Guddiga Aafada ee ururka AACNA ee magaalada Boorama ayaa bishan aynu ku jirno ee March bilawgeedii markii saddexaad dib ugu laabtay degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay dhibaatada ba'ani ka soo gaadhay roobabkii barafka iyo dabayla watay ee bishii Janaayo ka da'ay gobolka Awdal.

Guddigu waxay qaybiyeen raashin 40 ton ah oo ak kooban bariis, saliid iyo sonkor. Guddiga Aafada ee ka wakiilka ah ururka AACNA (Awdal Association of North America) ayaa gargaar ballaadhan ka helay Jaaliyadaha reer Awdal ee deggan Waqooyiga Ameerika iyo goobo kaleba oo ay ka mid tahay Kuwait.

Ururka AACNA ayaa u guntaday abaabul xoog leh oo deeq loogu ururinayo dadka ku caydhoobay aafada Rabbaniga ah ee ku habsatay degmooyin badan oo ka mid ah gobolka Awdal. Sahankii Guddiga Aafadu ay ku tegeen goobahaas waxay ogaadeen inay dhinteen ilaa 200,000 (laba boqol oo kun) oo xoolo ah loona baahan yahay in dadka aafadaas ku barakacay la xooleeyo si aanay u bannaynin dhulka ay deggan yihiin. Habase ahaate, waxa kale oo ay guddidu ka sal gaadhay inay wali socdaan dhaxan iyo utumo badan oo ka dhashay aafada oo ay ka mid tahay baahi wayn oo loo qabo raashin dadka la siiyo. Sidaas darteed, waxay guddigu 15 goobood oo meelihii ugu darnaa ah ka qaybiyeen raashin gaadhayaa 40 ton sida kor ku xusan – hoos ka daawo sawirada. Degmooyinkaas waxay kala yihiin:

1.       Taganka qardhiile iyo Wada
2.        Celi Gara (Xamarta) iyo Simoodi
3.       Cali Xaydh iyo Turkiga
4.Waraqa dhigta iyo nawaaxideeda
5.Garbada iyo nawaaxideeda
6.Beeyada
7.Ilhagar
8.Sheed  dheer
9.Gargaara iyo Balayga
10.      Fardaha iyo xoog faras
11.      Carro Wareen
12.      Fadhi Xun
13.      Weeraar
14       Fiqiaadan
15.      Sh. Awaaare

Waxay Guddiga Aafada ee ururka AACNA iyo ururkuba si wayn ugu mahad naqayaan Jaaliyadihii iyo dadkii siday wayn ugu gurmaday walaalohoodii ay dhibaatadu gaadhay.