Ururka AACNA iyo Aafooyinka ka Dhacay Gobolka Awdal


Ka dib markii ay da’een roobabkii qabow xad-dhaafka ah iyo dabaylaha watay ee la maqlay in dad badani ay ku caydhoobeen gobolka Awdal, ayuu ururka AACNA (Association of Awdal Community of North America) durbadiiba ku dhaqaaqay sidii ay isugu keeni lahaayeen Jaaliyadaha reer Awdal ee ku nool Waqooyiga Amerika.

Saddex shir oo kii ugu horreeyay u qabsoomay bishii Janaayo 20keedii oo ay ka soo qayb galeen Jaaliyadaha reer Awdal. Shirarkaas khadka tilifoonka lagu qabtay oo ay ka soo qayb galeen dad gaadhayaa ilaa 60 qof ayaa uruka AACNA wuxu dhiirrigaliyay sidii degdeg wax looga qaban lahaa aafada Rabbaaniga ah ee ku habsatay Gobolka Awdal.

Ururka AACNA waxa kale oo ay isla markiiba la xidhiidheen Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama si loo dhiso Guddiga Wax-ka-qabadka Aafada. Guddigaas oo ka kooban qaar ka mid ah culimada diinta ee magalaada iyo hal takhtar kuwaas oo kala ah:

Dr. Cabdiraxman Jaamac Hadi
Sheekh Maxamed Daahir Dhawal
Sheekh Xasan Daheeye
Sheekh Cismaan Ibrahim
Cumar Cabdilahi Xasan (Cumar Guray)

Waxa kale oo guddiga AACNA markiiba furay xisaab gargaarka lagu diri karo oo si toos ah loogu hagaajinayo guddigaas. Xisaabtaas oo ka furan Dahabshiil ahna:
URURKA AACNA
XISAAB NO. D0616
Dahabshil INC: BORAMA BRANCH

Gudigaas oo xilkoodu yahay in ogaadaan xaddiga dhibaatada soo gaadhay dadwaynaha, dhimashada xoolaha, baaxadda dhulka ay aafadu saamaysay iyo xannunada ka dhashay aafadaas. Guddigu, iyagoo sida gargaar kooban oo wixii markaas al helay ah ayay tegeen meelahan soo socda:
1. Baki 9. Old baki16. Xoorray       23. Cara-wayne
2. Gab10. Sheeg-dheer 17. Garba dadar24. Waraqa dhigta
3. Dhagax-toonle11. Cali-xaydh    18. Xamarta      25. Qardhiile
4. Turkiga   12. Beeyo-cadaado    19. Toora-toora  26. Damasha
5. Farso lagu xidh      13. Caro-wareen         20. Fadhi-xun    27. Weeraar
6. Fiqi-aadan      14. Sheekh awaare     21. Jidhi           28. Cabdulqaadir
7. Habaas          15. Xariirad         22. Ceelbaxay   29. Boon
8. Qunujeed

Dhulkaas oo ay baaxadiisu le’eg tahay 540 km oo isku wareeg ah, waxay ku soo arkeen dad aad u tabaalaysan. Waxay guddidu ku soo warbixisay in marka la isku celceliyo ay xooluhu 50% dhinteen, inta hadhayna ay aad u itaal daran yihiin oo aanay lahayn wax manaafacaad ah oo imika dadka wax ugu tari kara. Waxa kale oo guddigu ku soo warbixiyeen in ilaa 700 oo qoys ay xoolihii gabi ahaanba ka fara baxeen oo caydh taagan yihiin. Dhibaatooyinka ugu daran waxa ka mid ah bay yidhaahdeen in maydkii xoolaha ay ka dhalan karaan cudurro badan oo dheeraad ku ah xannuunada ilaa imika ay dadka ku arkeen ayna u badan yihiin xanuunka maqaarka, barar, indho xanuun iyo indho beel. Waxay guddigu soo sheegeen inay dhibaato badan jirto ilaa imika kuwaas oo ay daran yihiin gaajo iyo dhaxantii oo wali socota dadkuna aanay haysan dhar diirran.

Uruka AACNA wuxu Jaaliyadaha ku boorriyay inay sida ugu dhaqso badan u ururiyaan gargaar degdeg ah oo dadkaa tabaalaysan lala gaadho. Waxa baaqaa ka jawaabay dhammaan Jaaliyadaha reer Awdal ee Waqooyiga Ameerika oo mid waliba ballan qaadday inay abaabul degdeg ah gelayaan. Waxa baaqii si aan hagar lahayn durba uga jawaabtay Ururka Amoud Foundation ee Dallas oo markiiba dirtay $6,000.00 US si ay qayb uga noqoto gurmadka hore ee loo fidinayo walaaleheenna caydhoobay. Waxa kale oo iyaguna si aan hagar iyo haaraan lahayn u gurmaday Jaaliyadda reer Awdal ee ku nool Ottawa, Canada oo muddo aad u gaaban ku ururiyay deeq lacageed oo dhan $13,611 US oo ku hagaajiyay xisaabta ururka AANCA ee Boorama.

Shirkii ugu dambeeyey oo dhacay Bisha Febraayo 10keedii waxa ka soo qaybgalay walaalo badan oo ka kala socday Jaaliyadaha:
OttawaToronto
Minnesota   •Edmonton
CalgarySeattle
Dallas  •Houston
AtlantaSan Jose
Dhammaan Jaaliyadahaasi waxay ballan qaadeen gurmad aan loo kala hadhin oo dhaqso ah. Waxay isugu jiraan Jaaliyado ururiyay gurmadii iyo kuwaa wax aan badnayni u hadhay oo muddo dhaw dhammaystiri doona ururinta. Ururka AACNA waxa kale oo uu la xidhiidhay dad ka mid ah Jaaliyadaha deggan dalka ingiriiska iyo Yurubta kale oo ay ka codsadeen inay sida ugu dhaqso badan gargaar isugu abaabulaan. Waxayna ka heleen ballan qaad abaabul dhaqso ah.

Markii la abuuray ururka AACNA waxyaabihii loo xilsaaray waxa ugu mudnayd abaabulka Jaaliyadaha si waxqabadku u fududaado una midoobo. Tanina waxay si toos ah u hoos timi hawlihii uruka loo xilsaaray. Guddiga AACNA waxay mahad aan la koobi karin u celinayaan dhamaan Jaaliyadaha reer Awdal ee baaqi ururka qaatay.

Walaalayaal, wali hawsha fari kama qodna. Baahi aan la qiyaasi karin ayaa taalla, dhaxantii wali way socota, dadka caydhoobayna waxay innaga sugayaan inan wax u tarno kana maarsadaan inay qaxooti ku noqdaan magaalooyinka oo ay muusanaabaan. Waa arrin u baahan isku duubni guud iyo karti dheeraad ah. Waxan ku kalsoon nahay inan Jaaliyadaha reer Awdal gudan doonaan xilka ka saaran walaalhooda ay aafadu ku timid.

Mahad Badan
Guddiga AACNA