Awdal ee Assocaition of Awdal Community of North America(AACNA) Mahadnaq iyo hambalyo udiray shirkada telefoonada ee TELESOM
       
   AACNA-CHICAGO,21 JAN,2007- Ururwaynaha ayku bahoobeen qurbajooga reer Awdal ee Association of Awdal Community of North America(AACNA) ayaa waxay mahadnaq balaaran iyo hambalyo u dirayaa Shirkada khaaska ah ee telefoonada TELESOM oo noqotay shirkadii ugu horaysay ee caawisa jidka Dilla-Borama.Munaasibada ay kaga dhawaaqday deeqdani oo dhan 10 kun oo dollar,waxa lagu qabatay Hotel Rays ee Borama .Waxa ka soo qaybgalay maamulka gobolka oo uu hogaaminaya Gudoomiye Mohamud Sheekh Abdillahi Cige, ururka ARNA,ururada bulshada iyo dadwayne farabadan oo isagu jira aqoonyahano culumaa-udiin,ganacsato iyo hogaamiyo dhaqameedyo. Waxa ay shirkadu TELESOM ay deeqdani qiimaha badan gudoonsiisay Uurka ARNA oo u qaabilsan horumarinta jidka Dilla iyo Borama. Waxan urur ahaan(AACNA) aad ugu faraxnay deeqda 10 kun ee dollar ee ay shirkadu ku caawisay sidii jidkaasi wax looga qaban lahaa.Waa talaabo geesinimo leh oo shirkadu ay u qaaday sidii horumarka gobolka wax looga qaban lahaa.Ururku waxa uu shirkadaha kale ee khaaska ah ee gobolka iyo gobolada kale ee dalkaba ka codsanayaa inay talaabadaasi ku daydaan oo ay maal iyo maskaxba u huraan horumarinta nolosha macaamiishooda qaaliga ah.Waxa kale oo uu ururku ka codsanayaa dhamaan dadka reer Somaliland gudo iyo dibadba, walaalaha Reer Djibouti iyo Reer Ethiopia yaba inay ka qaybqaataan sidii jidkaasi wax looga qaban lahaa.Ururka waxa kale oo uu hambalyo u dirayaa Gudoomiyaha gobolka Mudane Maxamuud Sh.C/laahi Cige oo isna dadaal ugu jira sidii gobolkiisu u gaadhi lahaa horumar la taaban karo.Ugu danbayn waxan ka codsanaynaa in saxaafadu ay door ka ciyaarto sidii loogu baraarujin lahaa dadwaynaha horumarka gobolka, ayna iska jiraan wararka aan rasmiga ahayn ee lagu dhantaalayo horumarinta gobolka sida Jidka Dilla-Borama.
Wabillaahi tawfiq
Abdirahman Obsie


Deeq Lacageed Oo La Gudoonsiiyay Ururka Samaynta Jidadka Ee G/Awdal( ARNA).
        (Updated:-(Tue.20.Nov.2007)


Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige ayaa maanta ka qayb galay xaflad lagu qabtay Hotel Rays ee magaalada Borama.
Munaasibadaasi oo ujeedadeedu ahayd Maamulka Shirkada Telesom oo deeq lacageed oo dhan 62 Million oo shilinka Somaliland ah una dhiganta 10,000$, gaadhsiiyay ururka ARNA waxaana munaasibadaasi ka qayb galay Ganacsato,Dadwayne iyo Salaadiinta G/Awdal waxaana halkaasi ugu horeyntii halkaasi hadalo warbixinta iyo Soo dhawayn ka soo jeediyay Gudoomiyaha Shirkada Telesom ee G/Awdal C/qaadir Aadam Nuur waxuuna ka waramay inaanay shirkadani ahayn uun mid Faa’iido ka hesha dadka balse ay Waxii ay macaash ahaan ku helaan ay kaga qayb qaataan horumarka Gobolka ka socda ee dhinaca Wadooyinka ,Caafimaadka iyo horumarka kaleba, waxuun tilmaamay in Jaamacada Camuud ay Computers ugu deeqday isla markaana xafiiska Gudoomiyaha Jaamacada Camuud ay u qalabeeyeen waxuuna xusay in wadada isku xidha Airport-ka iyo Jaamacada iyadana ay kaalin wayn ka qaateen,Isbitaalka Fistulaha ee laga dhisayo Borama inay iyagana ugu deeqeen lacag markaa shirkadani iyadoo Isgaadhsiintii horumarkeedii ka qayb qaadanaysa ayay adeegyada kalena fulisaa .
Shirkadani kuma laha Dhegtaada iga iibi imaqal oo I dhagayso laakiin howsheedu waxa ay tahay Wax I Gasho Ana Aan Ku Gashadee.Taasina waa ta aanu Horumarka waxuuna goobtaasi ku gudoonsiiyay deeq lacageed oo dhan 62 Million ee Shilinkta Somaliland ah ururka ARNA.
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha ururka ARNA C/raxmaan Maxamuud Muuse waxuuna uga mahad celiyay shirkada Telesom Deeqdaasi lacageed balse waxuu tilmaamay inaanay intan ka sugayne ay u qaadanayaan uun inay u aftaxeen balse iyaga aan ka doonayno inay shirkada Telesom ay kalideed dhisto 5km oo dariiqa isku xidha Dila iyo Borama ah waxuuna intaasi sii raaciyay inaan Laami Dhisi doono laakiinse Imiksa Wadada dhibaatadeeda iyo sida ay usii xumaanayso waxaanu dhaqso u bilaabi doona wado loosii maro si kumeel gaadh ah.
C/raxmaan waxuu raaciyay in markii hore la rabay in Gobolku ay bilaabaan balse waxaa howshaa wadada kaalin ka wayn ka qaatay oo ka shaqeeya Ururka AACNA ee dalka Maraykanka oo iyagu ku howlan sidii ay dhaqaale ugu soo ururin lahaayeen Wadada waana ururka dibadaha loo qaabilsan Dibadaha isagoo sheegay in Maalin kaliya ay ku ururiyeen $50,000 oo loogu talo galay in wadooyin ka Borama lagaga qayb qaato waxuuna intaasi sii raaciyay inay dadaal xoog leh uu wado ururka AACNA xidhiidh wada shaqaynayneedna aanu leenahay.
Gudoomiyaha ARNA waxaa uu daafadeeyey ama uu diiday wararka been abuurka ah ee had ay jeer ay qoraan website-yada gobolka qaarkood isagoo waliba farta ku fiiqay in websiteka Harowo.com uu wax been ah oo sal iyo raad lahayn uu ka qoray wadada isku xidha Dila iyo Borama ay xukuumadu u taagwayday Ururkana ay howlo waxqabad wadaan taasoo uu ku tilmaamay iska horkeen xukuumada iyo dadka waxqabanaya waxuuna ugu baaqay in arimaha noocaas ah ay dadka saxaafadu ay ka waantoobaan.
Gudoomiyaha G/Awdal Maxamuud Sh.C/laahi Cige oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa shirkada Telesom ugu mahadceliyay sida ay had iyo jeer uga qayb qaataan horumarka laga samaynayo Gobolka isagoo waliba xusay inay deeqdani ahayn tii ugu horeysay ee ay bixiyaan waxuuna intaasi sii raaciyay inay ka qayb qaateen adeegyo faro badan oo bulshada wax loogu qabanayay waxuuna sheegay inay dhinaca Isgaadhsiintana ay horumar xoog leh ka sameeyey sida Lowyacado iyo Degmada Saylac oo uu farta ku fiiqay inuu indhisiisa ku arkay buurihii u dhaxeeyey Degmada Borama iyo Saylac iyo dadka reer Baadiyaha iyo ah iyo xoolo dhaqatadu ay wataan Mobiles taasina ay tahay horumarka ay shirkadaasi ay samaysay .
Gudoomiyaha G/Awdal waxuu cadeeyey in waxii shicibku ay qabta ay is yidhaahdaan markaaba uu hirgalo laakiinse Xukuumad ahaan waxaan qabta is nidhaahno inaan loo dhagba dhigin waxuuna cadeeyey in howlan wadada lagu dhisayo ay meel mareen kii dooniyo kii diidaba arintani waa arin lagu farxo oo dadka dibada iyo kuwa guduhuba ay ka qayb qaadanayeen waxuu isagoo cadho ka muuqata uu tibaaxay in saxaafada G/Awdal qaarkood ay been aan jirin qoraan taasi oo aan u malaynayo in Suxufiyiinta qaarkood ay biilba ku qaataan waxuuna cadeeyey in ay marka ay wax qoraan ay dhuumasho galaan oo ay Telephone isaga kula soo hadlaan odayaal badan iyo ganacsataduna ay had iyo jeer Waan waan galaan ,ninka maanta qoray wadada Dowladu way awoodi wayday waxba kama jiraan kuwaasoo uu ula jeeday Websiteka Harowo.com iyo Wargaysta Haatuf waxuuna u sheegay in xukuumadu raali ka tahay ururkaasi samaynaya wadooyinka taakulona uu madaxnuhu dhinaca taakulayntana uu ka qayb qaadanayo aniga oo xukuumada wakiil uga ah Gobolkana aan magaca ARNA bixiyay sidaa awgeed waxaan suxufiyiinta waxaasi ku dhaqma leeyahay Anshaxa saxaafada hala ilaaliyo siyaasada yare e suunka ka hoosaysana joojiya gudaha iyo dibadaba waa loo kacay , magaalana caasimad ma noqon karto iyo wadooyin laami ah ay yeelato.
Waxaa iyaguna halkasi ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Xasan Xadi ( Suldaan Baade),iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal waxayna cadeeyeen in howlaha wadada iyo waxqabadkeedu meel fiican marayaan iyagoo hogaamiye dhaqameedyadiina ay qaabilsan yihiin dhinaca wacyi galinta iyo ku baraarujinta dadwaynaha inay kaalintooda ka qaataan dhismaha wadooyinka G/Awdal
Wariye Caafi
Borama News
Borama
Resources from BORAMANEWS.

Ururka Awdal Asscociation Community of North America oo shirar telefoon la yeeshay Jaaliyadaha reer Awdal qaarkood.
 
(Updated:-(Fri.5.Oct.2007)
 
Hawl wadeenada Ururwaynaha reer Awdal ee looyaqaano Awdal Association Community of North America(AACNA) ayaa baryahanba shirar telefoon la lahaa jaaliyadaha reer Awdal ee dibada iyo gudahaba.Shirarkani is daba jooga ah ee maalmahani socday waxay qaybka ahaayeen dadaal uu ururku ku raadinayo sidii ay talooyin wax ku ool ah aysku dhaafsanlahaayeen walaalahooga kale ee daafaha aduunka kala dagan isla markaana sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabi lahaa hawsha loogu jiro in la bilaabi dariiqa u dhexeeya Dila iyo Boorama.

Kulankii Tilifoonka ee AACNA iyo ARNA( Borama)
Bishani kawdeedii(Oct-1-2007) waxay ay gudiga AACNA oo uu horkacayo gudoomiyaha ururka Mohamed Allabari ay shir telefoon layeesheen gudiga ARNA oo uu horkacayay Abdirahman Quraab ahna maamulaha Hotel Rays Borama.Ujeedada kulankani qiimaha badani waxa uu ahaa sidii ay labada guddi isku baran lahaayeen islamarkaana ay u wada shaqayn lahaayeen.
Waxa shirka furay gudoomiya AACNA mudane Mohamed Allabari oo ka warbixiyey siduu urukani ku dhashay iyo himilooyinka uu tiigsanayo,Gudoomiyuhu waxa uu carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay in gacmaha lays qabsado si looga baxo baahidan xad dhaafka ah ee dhulkeenii ku habsatay.Waxa uu gudoomiyihu hadalkiisa ku daray in ay hadda socdaan dadaalo loogu ururinaya dhaqaale Jidka Dilla iyo Borama isku xira, Jidkaasi oo ragaadiyey nolosha dadka reer awdal iyo reer Somaliland ba.Gudoomiyuhu waxa uu ku booriyey dhamaan ka qayb galayaasha shirkani ina ay u guntadaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadani baaxada waynle ee ina haysata.

Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay xubno ka socday uruka AACNA oo uu kamid ahaa u qaybsamaha ururka arimaha Africa Abib Hamud Jibril oo isna ka hadlay muhiimada ay leedahay in aan gacmaha is qabsono si aan ula dagaalano baahida wadankeena ka jirta.Abdirahman Ahmed Obsie oo ah qasnadahaya ururka AACNA ayaa isna ka hadlay Waxa uu cabdiraxmaan yiri in hadii dad lahaysto, micnaheedu inay tahay in lahaysto cudud dhaqaale oo lagaga bixi karo baahida jirta laakiin ay u baahantahay in dariiq fiican loo maro sidii quwadaa baahsan loo midayn lahaa.

Dhinaca kale ee ururka ARNA oo ah ururka ay wada shaqeeyaan AACNA kana dhisan gobolka Awdal u hadlay Gudoomiya ururka Abdirahman Quraab.Gudoomiyuhu waxa uu si balaaran uga waramay baahida wadanka ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxa uuna sheegay in xalku yahay gacmaha oo la is qabsado dibad iyo gudaba, iyo in qofkastaa uu is saaro masuuliyad gaar ah oo doorkiisa uu ku ciyaaro.

Waxa isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka ururka ARNA ahna gudoomiya shirkada telefoonada ee TELESOM AWDAL Abdikadir Aadan Nuur,oo runtii ah nin u amba baxay sidii dhibaatada gobolka ka jirta wax looga qaban lahaa. Waxa isna halkaasi ka hadlay xoghaynta ururka ARNA Mohamed Abdi oo isna ka hadlay sida ay uga go’an tahay in ay hawshani loo igmaday ay u fulinyaan.Xoghayhu waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aan baahida kaga bixi karno is gacan qabsi. Waxa kale oo uu sheegay in ay ganacsato ahaan iyo urur ahaanba ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatada jidka.Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay talooyina ka bixiyey xubno kale oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha shirkada Dahabshil Borama Riiraash iyo Ganacsade Mumin.

AACNA iyo Bariga dhexe.
Isla bishani aan ku jirno(October 3,2007) waxa uu kulan telefoon dhexmaray gudiga AACNA iyo qaar kamid ah qurbajoogta reer Awdal ee bariga dhexe.Kulankaasi waxa ka soo qaybgalay Qoraaga caanka ah ee reer Awdal Bashir Sh.Omar Good ee deggan wadanka Imaaraadka Carabta.Waxa uu isna tibaaxay in dhibaatooyinka dhulkeena haysta lagaga bixi karo in aan xoogeena midayno oon maskaxdana shiilno si loo helo natiijo wax ku ool ah.Ugu danbayn, Bashir waxa uu soo jeediyey in la qabto kulan kale oo ay kasoo qaybgalaan dad intani ka badan oo aduunka kala jooga.Waxa kale oo isna ka hadlay Gudoomiyaha ururka ayku bahoobeen walaalaha reer Awdal ee Yaman deggan (Awdal Brothers Association) Dr Mohamed Aw Cali. Mohamed waxa uu ku talo bixiyey in aanay fursadani inaga lumin aan haysanaa oo inta aan wax qaban karno aan qabano sidii gobolka Awdal dhibaatooyinka faraha badan ee haysata aan uga saari lahayn.Waxa isna halaasi ka hadlay aqoonyahanka reer Awdal ahna Sheikh caalimka ee looyaqaan iIliiye. Sheekhu waxa uu isna ka hadlay in ibnu aadamku uu horumarka iyo dib u dhacaba uu gacantiisa ku sameeyo.Taasna inaga ay inagu xirantahay.
Ugudanabayn waxa iyaguna halkaa ka hadlay gudoomiya AACNA, Gudoomiye ku xigeenka Nuur Xirsi Bahal iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Roda Haji Misan, Cibaado Geele iyo Abdirahman Ahmed Obsie. Waxana shirkaasi lagu soo gabagabeeyey in hawsha Jidka Dilla-Borama loo wada guntado dibad iyo gudaba.

Shirarkan kala duwan waxa uu ururka AACNA ugu gogol xaadhayay sidii dhaqso loogu bilaabi lahaa in ururinta deeqda ee lagu dhisayo jidka Dila iyo Boorama. Deeqdii ugu horraysay ururinteedu waxay ka bilaabanaysaa Gobolka Minnesota oo ah halkii uu ururkani ka unkamay. Waxa kale oo iyaguna ku xigaya muddooyinka dhaw ee foodda innagu soo haya Toronto, Ottawa, Chicago iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Waqooyiga Ameerika oo haatan ku guda jira qorasha ururinta deeqda.

Wixii su’aalo, macluumaad, talo iyo tusaale ah waxad la soo xidhiidha Agaasimaha Isgaadhsiinta
Fuad Abdi Ismail
Tilifoon:763-291-2951
Email:fuaddiriye5@yahoo.com
SHAQAALAHA TELESOM BOORAMA OO BIL WALBA DEEQ JOOGTO AH U FIDIYAY JIDKA DILA IYO BOORAMA


Maamule ku xigeenka xafiiska Telesom Boorama mr C/laahi Xaaji Maxamuud oo ku hadlayay afka shaqaalaha xarunta shirkada ee Boorama, ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay"ugu horayn waxaan halkan uga mahadnaqayaa saxaafada oo in badan ka soo qayb qaadatay baahinta wararka, waxqabadka iyo barnaamijyada horumarineed iyaga oo marwalba umada gaadhsiinayay macluumaadka ay u baahan yihiin iyo waxa iyaga looga baahan yahayba"

Isaga oo ka hadlayay ujeedada iyo waxa ay ka qaybqaadanayaanba waxa uu yidhi"ka dib markii aanu abaabul badan gudahayaga ka samaynay waxaanu go,aansanay inaanu ka qayb qaadano mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socda anaga oo markan ka bilownay inaanu wax ku darsano dhismaha jidadka gobolka, waxaanan qaadanay go,aankayaga 30 .Nvember 07 in shaqaalahayaga xaruntan Telesom Boorama bilkasta qadar ka mid ah mushaharkayaga inaanu ugu deeqno Ururka ARNA ee isku xilqaamay inay wax ka qabtaan wadooyinka gobolka khaasatan mida isku xidha Diila- Boorama oo hada abaabulkeedu socdo. bil kaliya maaha ee waa bilkasta mushaharkayaga inta noloshayada ah xataa hadii aanu Telesom ka tagno oo aanu xafiis kale u wareegno waanu sii wadi doonaa, waxa kale oo aan ugu baaqayaa cid kasta oo kale ha ahaato shirkadaha kale, bulshada ama cidkasta oo shaqaysa inay nagu daydaan, wixii wanaagsan waa la iskaga daydaaye oo ay wax ku darsadaan inta jeebkooda ah ha yaraato ama ha badnaatee, waayo umadina horumar ma gaadho hadii aanay wax isku darsan oo aanay si wada jir ah cududooda iyo maalkoodaba u midayn"

Ugu dambayntii waxa uu ka waramay shirkada Telesom iyo sida ay marwalba uga qayb qaadato adeegyada bulshada lagu horumarinayo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa" Telesom hadaan ka hadlo waxa maanta farxad weyn noo ah in shakhsigii u horeeyay ee bixiya tabarucaadkan wadadan lagu dhisayaa uu noqday maamulaha xafiiska Telesom ee Boorama C/qaadir Aadan Nuur, waxa kale oo iyana xusid mudan in shirkadii u horaysay ee deeq u fidisa ama wax ku darsata dhismaha wadadan ay noqotay shirkada Telesom, anagana[shaqaalaha telesom] waxaa waxaanu ku faraxno noo ah inaanu noqono shaqaalihii u horeeyay ee is xilqaama waxna ku darsada ololaha dhismaha wadadan'"

24 JANUARY 2008,
Dear Friends,

The recent rainy season in Awdal, Somaliland has been marred with freezing rains and high winds caused by drastic changes in the climate. The freezing rains and high winds have caused the death of at least 50,000 livestock, mostly sheep and goats. It has also destroyed homes and properties. No help has, up to this point in time, reached the victims of this natural disaster. Many are dying of cold and hunger which may eventually cause other diseases in these victims. Your help is critical to saving their lives

Please contact:

IQRA ngo at IQRAngo.org
or ACCNA at:
763-291-2951
281-222-9548
416-201-7090

24 Janaayo 2008
Walaalayaal,

Dhawaan waxa Gobolka Awdal ka da'ay roobab watay qabow aan caadi ahayn iyo dabaylo xoog badan oo ay keentay isbeddel ka yimid cimilada. Roobabkaasi waxasi waxay keeneen in ay le'daan xoolo sida lagu qiyaasay gaadhaya ilaa iyo 50,000 oo neef oo adhi u badan. Waxa caydhoobay inta badan dadkii degganaa xeebaha Gobolka ee Saylac, Lughaya iyo Baki. Dadkaa caydhoobay waxa ma jirto ilaa imika wax gargaar ah oo adduunyada ka heleen. Waxa loo dhimanayaa gaajo iyo dhaxan kuwaasoo ay ka dhalan karaan xanuunno badan oo aayaha dambe waxyeelo wayn u gaysan kara dadkaas dhibban.

Ururka AACNA wuxu dhammaan dadwaynaha reer Awdal, gudaha iyo dibaddaba ka codsanaya in la galo abaabul degdeg ah oo gargaar wax-ku-ool ah la gaadhsiyo dadkaa tabaalaysan ee masiibadu ku habsatay.

Waxa kale oo ururku ka codsanayaa cidkasta oo wax ku tari karta dadkaa dhibaataysan inay si degdeg gurmad ula gaadhaan.

Fadlan la xidhiidh ururadan:

Ururka IQRA - Borama (IQRA NGO.org)

Ururka AACNA - 763-291-2951
- 281-222-9548
- 416-201-7090